Powered By Blogger

Sunday, July 22, 2018

Wariyaasha Soomaaliyeed oo labo halis dhexda kaga jira,midkoodna u rooneyn(Warbixin)





Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ah kuwo xaalad adag ku shaqeeya ayaa mararka qaar la kulma tacadiyo iyaga oo ku guda jira waajibaadkooda shaqo ee ku aadan in bulshada ay u gudbiyaan wararka xaqiiqada ah, sanadkan bilowga 2018 waxaa muuqata in ay kordheen tacadiyada loo geysanayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Gudaha dalka waxaa ka jira Maamulo kala duwan Heer Dowlad, heer Federaal, inta badan Suxufiyiinta dhibaatooyinka waxa ay kala kulmaan maamulada dalka jira, waxaana dhibaatooyinka loo geysto ka mid ah in la xiro, in jirdil loo geysto iyo xitaa in mararka la yiraahdo ereyo u dhigma aflagaado.

Tusaale sanadkan cusub 2018 magaalada Jowhar dhowaan waxaa lagu xiray Wariye C/shakuur Shaashaa oo ka tirsan Wariyeyaasha ka howlgala Hirshabeelle, dadaal dheer oo ay bixisay NUSOJ iyo ururada kale kadib waxaa suurtagashay in la sii daayo Wariyaha, oo mudo Sideed maalmood ah xirnaa, iyada oo aanan dambi lagu soo oogin.

7-dii January 2018 Axmed Diiriye Ciiltire oo ka tirsan TV-ga SBC iyo Maxamed C/laahi Xuseen (Dabshid) oo isaguna ka howlgala TV-ga Kalsan, kana mid ah suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa Maxkamad ku taalla magaaladaasi ku xukuntay midkiiba laba sanno oo xarig ah, waxaana lagu eedeeyey faafinta warar been abuur ah.

12-kii January 2018 Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa xabsi ku yaalla Magaalada Gaalkacyo dhigay Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug, oo ay ku eedeeyeen inuu baahiyay warar lidi ku ah Maamulka Galmudug, Ururo warbaahineed oo uu ugu horeeyo ururka Gobolka Mudug  dadaal dheer oo uu bixiyay kadib waxaa lagu guuleystay in la sii daayo Waiyeyaasi.
Sidoo kale isla maalinkaas Bahja C/laahi oo ka tirsan Radio Codka Nabadda oo ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa loo geystay  jirdil, iyada oo ku guda jirta howlaheeda shaqo,

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku shaqeeya xaaldaha adag ayaa mararka loo geysto dhibaatooyinka waxa ay aysan helin cadaalad, iyada oo dhibaatooyinka loo geysto ay u muuqdaan kuwo ah ku dhufo ka dhaqaaq.
Maamulada qaar ee dalka ayaa lagu amaani karaa sida ay u ilaalinayaan xurmada wariyaha uu leeyahay, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo 2-da November ka hadlay Munaasabad ay SOMA soo qaban qaabisay ayaa sheegay Koonfur Galbeed inta Wasiirka Warfaafinta ka yahay inaan lagu xirin Hal Wariye, midaasina ay tahay guul, isaga oo sidoo kale tilmaamay Ka Koonfur Gabeed ahaan in ay aad ula shaqeeyaan Wariyeyaasha.Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in mar walba ka urur ahaan ay ka shaqeynayaan sidii wariyeyaasha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, sidoo kalena uga hortagi lahaayeen tacadiyada loo geysto.

2006-dii ilaa hadda Aduunka waxaa lagu dilay 931 Wariye, dadkii Wariyeyaashaas dilay ama dhibaatada u geystay ma dhama 10% in la soo qabto, sidoo kale 1992-kii ilaa hadda Soomaaliya gudaheeda waxaa lagu dilay 67 Wariye, oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaasi oo intooda badan dadkii dilay aanan la horkeenin cadaaladda.

Sanad walba marka la gaaro 02-da November waxaa la xusaa Maalinta Caalamiga ah ee dhammeynta la xisaabtan la’aanta xadgudubyada loo geysto Wariyeyaasha, (International Day to end impunity for crimes againts Journalist), waxaana asteysay Qaramada Midoobay sanadkii 2013-kii, kadib markii UNESCO ay soo jeedisay in la helo maalin u gaar ah in la joojiyo ama la dhameeyo dhibaatooyinka loo geysto Suxufiyiinta

No comments:

Post a Comment