Powered By Blogger

Sunday, September 30, 2018

Hanjabaadda Wariyeyaasha ,Xukunkii Wariye Mohamed Abdiwali Tooxow iyo Xerarka Calamiga ,Somaliya Calad kama jirto


                                               Qoraaga Xogtan  Samiir Xasan Adan 

Wali  Waxa soomaliya ku sii Harsan  Tacadiyada  , Handad iyo  Jirdil loo gaysanayo  Wariyaasha  somaliyed kuwaasi oo ka Hawulgala  Guud ahaan Gobalada Soomaliya

Xiligan waxa ay ahayd in Dowlada iyo Maamul Gobaledada ay la hano qadan is badalada  ku soo kordhay dalka  iyo Sidoo kale in ay wax ka fahmaan   xoriya tuqul qawlka iyo in saxaafada  loo madax baneeniyo Hawulaha ay u hayaan Shacabka Soomaliyeed

Waxa usbucan soo shaac baxay tacdooyin kala duwan oo isgu jira handadd (  cabsi galin) loo gaysanayo Wariyaasha ka hawulgala muqdisho iyo sidoo kale  Deganada ay ka arimayaan Maamul Gobaledyada Dalka ka jira

 
Wariye Munasar Maxamed 

Wariye Munasar Maxamed   o ka mid ah Wariyaasha ka hawulgala muqdisho o dhamadkii usbuucii tagay Tabiyay warbixin ku saabsan hayab sooca iyo takoorka lagu hayo beelaha soomaliyeed qaarkood kadib markii kiiskii axmad dowlo iyo lamaahihii sababtay  dilkiisa uu ka hadlay isla markana uu warbixin xasaasi ah ka sameeyay
                                    Kadib Maxa Dhacay

Wariyaha oo soo Duubay Muqaal   aya shegay in loo handaday isla markana loo´shegay in la dili doono madama arintan uu aha wariyihii u horeay ee soo shaac bixiyay
muqaalka uu soo duubay munasar oo soconaya daqiiqado kooban aya waxa uu ku codsanayay in la siiyo magangalyo madama uu ka baqayo in ay dhib u gaystan qoyska reerkii gubay wiilka isla markana ay ka soo jedo gabadha  la guursaday.
 
             
Wariye Mohamed Abdiwali Tooxow

  Wariye Mohamed Abdiwali Tooxow    Ayaa  maxkmad ku taal dhusamareb waxa ay maanta ku xukuntay lix bilood oo   xarig ah wariyaha aya la saaray maxkamad malatari
 
                                              Maxay tahay Sababta Wariyaha loo  xukumay?
Sababta loo xiray ayay waxa ay ku shegen in wariyaha uu tabiyay war amniga lidi ku ah blse wariyaha aya arintaasi shegay in ay tahay mid been abuur ah ma jirin , fursado la siiyay wariyaha oo uu isku difaaci karay sidaasi oo ay tahay wariyaha waxa la saaray maxkamad ciidan

Heerka  uu Marayo Xoriyada Hadalka ,Madax Banaanida Saxaafada Badax Banan ee Somalya

Sida aan la wada Socono Waxa dhacay Dhacdooyin kala duwan Heerka Xoriyatul Qowlka aya ah mid aad u Hooseeya Somaliya , Siyaasiyinta .Saxafada  iyo dadka Dhiban aya lagu caburiya in aysan ka Hadlin karin dhibaatooyinka Heesta iyadoo loogu Cagajugleynayo Xabdi , Jirdil iyo Sidoo kale dil toos ah  waxana taasi ay keenta in Muwaadiniinta aysan awoodin ay ka Hadlaan waxyabaha  ay arkayan Xaqiiqda dhabta ah

Saxaafada iyo Siyaasiyinta aya lagu tilmama in ay Heysato Culays kala duwan ka oo ka imanaya Dowlada Dhexe iyo Sidoo kale Maamul Gobaledyada Dalka ka jira

Marka loo Ego Qaarada africa Warbixin ay soo saareen Hay,adaha u dooda Xoriyada Hadalka iyo Madaxbanaanida Saxaafada Waxa ay shegayan in soomaliya ay ka mid tahay Meelaha dadka loogu dhibaateyo hadal ay shegeen iyagoo sidoo kale muwaadiinta somalida la kulma dhibaatooyin kala duwan marka ay ka hadlaan xaqiiqda jirta
 
Xeerarka Calamiga ah iyo kan soomaliya maxuu ka qaba  arintan?

Qodobka 18aad oo qexaya  xoriyada hadalka iyo afkaarta axdiga calamiga ah  warbaahinta gaar ka ah lagu sameyn karo faaf reeb wararkooda, lagumana qasbi karo siidaynta wararka u daneenaya dhinac gaar ah 

Sidoo kale  qodobka 27aad waxa uu difacaya  xaquuqda saxafiga kaasi oo shegaya in la ilaaliyo amnigiisa sharaftiisa si uu u soo bandhigo si xor ah wararka bulshada ay doonayan in ay ogadan .

Arintan waxa ay daliil u tahay in ay  wali jirto cadadis ka imanaya  maamulada , in warbahinta xorta ah la doonaya in  la wiiqo awoodooda madaxbaneed waana mida keentay in wariyaasha soomaliyeed ay u nugladan dhib walba oo ka dhaca guda dalka

                                                Fariin ku socota  Dowlada dhexe iyo Maamulada Dalka ka jira

sanadka 2018 oo maraya  dhamad in wali  ay sii socoto  dhibaatada lagu hayo saxafada madax bananan iyadoo ay u sii dheer tahay ugaarsiga alshabab dhankooda ka imanaya waxa ay daliil mar kale u tahay in dowlada somaliya  iyo maamulada dalka ka jira ay ku fashilmeen axdiyada calamiga ah oo dowlada dhexe ay horay u saxiixday

 si loo helo xog hufan iskuna dheeli tiran waa in saxaafada madaxbanan la siiya awood  gaar ah si bulshada soomaliyeed ay u helaan in qof kasta oo muwaadin ah oo heli karo awood uu ku hadlo kuna soo bandhigo xaqiiqda dhabta ah

W-Q-  Wariye : Samiir Xasan Adan
  Kuna Sugan Qaarada Yurub Gaar ahan Wadanka Austria 
  

No comments:

Post a Comment