Powered By Blogger

Sunday, November 4, 2018

Mid Ka Mid Ah Wariyaasha Ka Howlgala Muqdisho Oo Geeriyooday


Allaha u Naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe Gudaha Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye C/risaaq aadan Qoslaaye oo mid ka mid ahaa Wariyayaasha ka howlgeli jiray  Muqdisho
C/risaaq aadan Qoslaaye ayaa xalay waxaa ku soo booday xanuun deg deg ah kaas oo sababay in la dhigo Isbitalka Digfeer oo ku yaalla Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir, oo ugu dambeyn ku geeriyooday.
Qaar kamid ah Ehelada Wariyaha ayaa Dalsan u xaqiijiyay in xanuunkiisa uu ahaa mid deg deg ah, wuxuuna ka howlgali jiray Tv Kalsan xaruntiisa Magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale C/risaaq aadan Qoslaaye ayaa horey uga soo shaqeeyay Warbaahino kala duwan, kuwaasi oo ku yaalla Muqdisho.
W-Q:Samiir Xasan Adan

No comments:

Post a Comment