Powered By Blogger

Friday, January 12, 2018

Wariye Samiir Xasan adan “” waxan canbareynayna xariga wariye hanad abdi farah oo Gaalkacyo lagu Xiray


iyadoo Maanta Magaalada Gaalkacyo lagu xiray wariye Hanad Abdi farah nasta oo ka Mida wariyaasha soomaliyed isla markana ahaa Agaasimihii idaacada codkamudug aya xariga Wariyahaasi waxa canbareryay Wariyaal soomalilyeed iyo sidoo kale Urur saxaafada Gobalka Mudug.

Wariye Samiir Xasan adan oo ka Mida Wariyaashii ka soo Shaqeyay idacada Codkamudug kuna sugan qaarada yurub Aya canbaareyay Xariga Wariye Hanad abdi farah , waxana uu shegay in ay tahay cadalad daro iyo Caburin lagu hayo Saxaafada Madaxa Banaan ee Gobalka

“” Xariga wariyaha  waxa ay ka turjumaysa sida loola  dhaqlo somaliya maalin walba saxaafada Madaxa Banaan , waxa lagu  Haya Caburin joogta ah ,  iyo cago jugleyn  Waana Mida keentay in Saxafiyiin badan ay isaga tagan shaqadooda halka kuwo kalena dhibaato ay kala kulmeen shaqada ay u hayan shacabka Soomaliyeed”

Ugu danbeyn wariyaha aya ka Codsaday Maamulada Gobalka  iyo  Ururuka saxafiyiinta soomaliyeed in si dag dag ah ay jawaab uga bixiyaan sababaha kenay in la xiro wariyaha isla markna    dib loogu soo celiyo xoriyadiisa wariye hanad abdi  farah

Waa warrihii  labaad ee 2018 bilowgiiisa lagu xiro gudaha soomaliya waxana soomaliya ay a mid tahay  wadamada ugu halista badan ay ka shaqeeyaan wariyaasha iyagoo la kulma cago jugleyn  jirdil iyo handadaad xiliyada ay ka hadlayan dhacdooyinka rasmiga ah ee ka jira gudaha somaliya

No comments:

Post a Comment