Powered By Blogger

Wednesday, November 8, 2017

Mudane Madaxweyne is Casil inta ay wali shacabku uusan sii niyad jabin


Rajadii shacabka aya sii dhimatay , markii al shabab ay  qarax ku dileen 300 wax ka badan , dhamaan dadkaasi waxa ay ahayeen shacab, waxa sidoo kale dhawacmay 350 wax  ka badan  ,  ciidankii xooga dalka aya mushaar loo wayay , sarakiishii hore ee shabab aya loo dhiibay amaankii dalka, xirirkii maamul gobaledyada iyo dowlada aya mesha ka baxay,dhaqaalihii dalka aya la musuq maasuqay, inta waxa ay gogol xaar u  noqdeen laguna xasuusan doona dowlada uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne farmaajo iyo xukumadiisa  su,aashu waxay tahay ma dib aya noo celisay mudane madaxweyne mise horay ayan u sii socnoa 


Dib u Xasuusin Dagaalkii Sokeeye 
Dagaaladii sokeeyay ee Soomaaliya waxay ahaayeen dagaalo aan dhamaad laheen, kaasi oo bilaamay 1991di
Dagaalkaan waxoo dhaliyay degenaasho la'aan iyo nolol la'aan oo 20sano gaartay.Dagaalada intaas oo sano soo jiray, maalinbo maalinteeda kale woo isbedelaayay. Maanta dagaalka waxoo u dhaxeeyaa, dowlad aad u liidata iyo arkagixiso rabto in ee dalka qabsato.Sidii ee qaramada midoobay iyo mareykanka ee uuga baxeen dalka soomaaliya 1993
soomaaliya codkeeda mala maqli jirin.Wixii ka danbeeyay 2000 dalka waxaa soo galay ciidamo shisheeye, sida kuwa itoobiyaanka iyo ciidamda amisom oo taageero u fidiyo Dawladda maanta jirta ee kumeel gaarka ah. dagaalkii sokeeye ee soamliya waxa uu ahaa mid maslaxad kusalaysan
Runtii Dagaaladii sokeeyay ee soomaaliya waa dagaalo aan dhamaad laheen.waxuuna bilaamay 1991di.Dagaalkaan waxoo dhaliyay degenaasho la'aan iyo nolol la'aan oo 21sano Dagaalada intaas oo sano soo jiray, maalinbo maalinteeda kale woo isbedelaayay. Maanta dagaalka waxoo u dhaxeeyaa, dowlad soamlia oo
Dagaaladii sokeeyay waxee dalka u horseeday nolol wanaag laheen iyo dowlad la'aan.Waxoona dalka u kala qeybsamay qeybo badan oo shacabka ee ku doonayaan maamul.Waxaa jirta qeyb soomaaliya ka mid ah oo dagaaladii sokeeyay ku bilaabay , oo maanta rabto in ee goosataan..Dagaaladii gobolada woqooyiga iyo gobolada dhexe.Markii la riday dowladii dhexe neh, dowlad cusub ma imaanin oo dagaalkii meeshiisa oo ka sii socday.Sanad iyo bar ka dib dalka waxaa ka dhacday abaar isla markaas neh waxaa imaaday heyaadaha gargaarka ee qaramada midoobay, waxaana la socday ciidamo dalal badan ka socda oo runtii rabay in ee dalka nabadeeyaan.laakiin waxaa lagu eedeeyay in ee shacabka dilaayaan, isla markaas neh weerar lagala horyimaaday.Ciidamada mareykanka oo ka mid ah kuwa gargaarka ee QM, ayaa bilaabay in ee diyaaradahooda la soo kacaan, waxoona dalka galay dagaal labaad oo nuuc kale ah.Maraykanka iyo qaramada midoobay waxee soomaaliya ka baxee ayada oo dagaal socdo, laakiin qaboowsaday.Markii ee ka baxeen ilaa 2000 soomaaliya codkeeda danbe mala maqli jirin.Sidii ee dowladii dhexe u dhacday ilaa la abaabulo Dawladdahaan federaaliga, soomaaliya ma leheen wax hogaan ah. Dadka wee iska ganacsan jireen.

Kadib Dagaalo sokoye dalka markii laga soo laabtay Dalka dowlado badan aya soo maray intooda badan  waxa ay ahaazeen kuwo Kumeel  gaar ah 
Madaxweyne xasan Sheikh maxamuud aya ugu danbeyn jaanis u helay in dalka uu madaxweyne ka noqdo isagon kumeel gaar ahayn  dad  badan ayaa rajo muujiyay waxa dalka dib ugu soo laabtay qurbo joog badan , sidoo kale wadanka waxaa ka bilowday dib u dhis xoogan
dad badan aya is waydiinaya sababta an u soo qadan wayay dowladihii xasan sheikh ka horeyay , jawaab waxa u ah dalka waxa uu ku jiray marxalad KMG ah , iyo dagaalo lagula jiray alshabab , intooda badan waxa ay ka dhacayeen dagaalka gudaha caasimada dalka iyo gobalada u dhaw dhaw
hadaba somaliya waxa ay gashay marxlad kale , inkastoo wali ay dalka ka dhacayeen qarxyo , iyo weeraro ay geysanayeen al shabaab hadana dadka shacab ah waxa ay rajo ka qaxeen in mar un laga bixi doono 
madaxweyne xasan sheikh si sharaf leh ayuu xilka uga dagay sidii madaxweynihii ka horeyay ee sheikh shariif uu  xilka uga dagay , loolan siyaasadeed iyo hardan dheer oo la galay dalka waxa madaxweyne ka noqday maxmad cabdulaahi farmaajo oo ah somaliya ra,iisul wasare uga soo noqday 

balan qaadkii madaxweyne farmaajo  maxa ka mid ahaa qudbadii xilka uu doorashada uu ku jiray

Waxa tiir u ahaa qudbadaadii dib u dhiska dalka , la dagaalanka argagaxisada ,amaanka iyo cadaalaada 
Hadaba mudo kooban oo aad xilka heysay mudane madaxweyne maxa dalka ka dhacay
1' al shabab waxa ay labo jibareen dagaaladii iyo weeradi ay soo qadayeen 
2' caasimada somaliya oo ahayd meel ka soo kabsanaysay burbur , waxa ay hooy u noqotay qaraxyo 
3' amaankii dalka waxa masuuliyadoodii u dhiibtay sarakiil shabaab horay uga tirsanan jiray
3: qaraxyadii way ´sii labo jibaarmeen , waxa dhacayay qaraxii soobe oo ay ku dhinteen 300 oo qof wax ka badan halka 400 in ka badana ay ku dhawacmeen somaliya ma aysan ka dhicin inta tarikhda la hayo inta dhimasho hal maalin tan iyo  burburkii 
4 ' maamuladii la dhisay aya lcagaha dowlada si musuq maasuq leh lugu dumiyay sida hirshabelle , galmudug aya  wali hal lug ku taagan waxa ay eersanaysa lacgtii qaranka oo lagu edeynayo in aad ku bixisay duminta  maamulka galmudug
5  askartii mushaar la,aan aya ku timid mudadii aad xilka haysay, 
6' waxa dhiibtay muwaadiin soomaliyeed oo dalka u soo hargalamay kana mid ahan jiray ciidamadii xooga dalka .waxa ka xusi karna qalbi dhagax oo ad u gacan galisay dowlada ethopia isagoo aha muwadin somaliya u dagalamay kana mid aha sarakiishii hogaminazaz daaalkii 77 ee ethopia lala galay gacantii ethopia ayu ku jira hada 

Afkaaga iyo dhagahaaga isma maqlaan mudane madaxweyne waxana taa  cadeyn u ah qudbadahaga taa waxa ay keentay in ciidankii xoga dalka ay niyad jaban markii aad tiri dagaal gala idinkoo xaquuq la.aan ah 


Maxaa harsan oo aan ka sugnaa inta xilka kaga dhiman 

Su,aasha la is wadiinayo waxa ay tahay hadii xiriirkii maamul gobaledyada aad xumaysay siyaasadiina ay sida noqotay dowladii somaliya ma gobalka banadir ayay ku ekaanaysa maamulkiisa
sababtoo ah jiho walba  marka xadud ahan loo ego Maamul gobaledyada aya soo galaya qariida
maamul gobaledyada qaar ayaba xukumaysa ama maamulka xeebta jazeera  inta an laga bixinbo sida ku cad maapka

Amisom somaliya way ka baxysa qorshaha maxa xigi doona

Ciidanka nabad ilaalinta u jooga somaliya ee amisom waxa ay shegen in  dhamadka sanadkan ay bilabayan qorshihi dalka ay  somaliya uga bixi lahaayee ,mana jiraan ciidan  xoog badan oo dhisan
goobihii dagaalka amisom way faarujinayan ciidankii somaliyeed intii dhisna  mushaar looma  hayo `?


Maanta Dalka waxa uu u dhaw yahay in uu ku noqdo marxaladihii burburka waana ifilaalo laga baqayo marka loo eego siyaasadaha , xirirka maamul Gobaledyada aad la lahayd oo xumaaday iyo shacabkii oo hada ka sii rajo dhigaya rajadii laga qabay in dalka ad  ku hogaamiso cadalad , sinaan iyo aman

sida lagaga bartay adoo ra.iisul wasare  ah aya is casishay mudane madaxweyne maanta wado kale oo ku baana ma  jirto oo aan ka ahay in aad is casisho ee fadlan madaxweyne u tur shacabkaaga oo is casil inta wali goori goor ay tahay 

W-Q-  Samiir xasan adan 
faceebook:  
Samiir Xasan Adan

No comments:

Post a Comment